|

Dawlada Soomaaliya oo xanibaad ku soo rogtay Bossaso

Bossaso September 15, 2024 (QJ) -Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyadii tagi jirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, taasi oo saameyn ku yeelatay duulimaadyadii diyaaradaha ee Daallo Airlines iyo Ethiopian Airlines oo maanta lagu waday in ay halkaas ku degtaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ay ku wargelisay Daallo Airlines iyo Ethiopian Airlines xiisad u dhexeysa dowladda Puntland iyo ciidamada PSF ee Boosaaso. Xogtan waxaa xaqiijiyay saraakiisha duulista.

Maamulka Puntland oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa digniin u diray Shirkadaha Diyaaradaha ee Daallo Airlines iyo Ethiopian Airlines oo sheegay inaysan ka degi karin Garoowe haddii ay u hogaansamaan amarka Dowladda Federaalka.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan, waxaana dadka qaar ay bilaabeen in ay isaga guuraan magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in halkaasi uu ka dhaco dagaal.

Leave a Reply