|

Itoobiya iyo Mareykanka oo amaanka Geeska ka wada hadlay

Addis Ababa September 14, 2024(QJ) -Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Atske-Selassie ayaa xafiiskiisa magaalada Addis Ababa kula kulmay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Ambassador Mike Hammer. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika.

Wasiir Taye ayaa muujiyay walaaca ay Itoobiya ka qabto ATMIS ka dib (Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya) wuxuuna carrabka ku dhuftay dadaalka ay Itoobiya waddo ee lagu qaboojinayo xiisadaha gobolka. Hadalkiisu waxa ka muuqday werwer iyo baqdin weyn.

Waxay kaloo ka wadahadleen xaaladda gobolka Tigray. Danjire Taye ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay in ay si buuxda u dhaqan galiso heshiiskii nabada ee Pretoria, waxa uuna ka dhawaajiyay in ay ka walaacsan tahay dhaq dhaqaaqyada Jabhada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF).

Taye ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo maqaamkii Itoobiya iyadoo la raacayo sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika (AGOA), kaasoo dowladda federaalka looga saaray cunaqabatayn.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Ambassador Mike Hammer, ayaa isaga oo ka jawaabaya farriin toos ah u gudbiyay Itoobiya, waxaanu yidhi “Xasiloonida Geeska Afrika waxay ku xidhan tahay in Itoobiya joojiso faragelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Leave a Reply