|

Bar Shidaal oo kubataya Garoowe

Garoowe September 08, 2024(QJ) -Dab xooggan ayaa xalay ka kacay kaalin shidaal oo lagu magacaabo 3CC iyo Garaash ku dhow magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Dabka ayaa baabi’iyay Kaalintii Shidaalka iyo gaadiidkii yaalay Garaashkaasi, balse lama oga khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Waaxda dab-damiska dawladda hoose ee Garoowe oo ay weheliyaan gawaari ay leeyihiin shirkadaha biyo galinta ee deegaanka ayaa iska kaashaday daminta dabkan oo bilowday salaadii maqrib kadib.

Ganacsatadii lahaa Kaalinta Shidaalka ee 3CC iyo Dadweynihii ay Gaadiidkooda ku waxyeeloobeen ayaa si weyn ugu mahadceliyey Xukuumadda iyo Ciddii gacan ka gaysatay Xakamaynta Dabka iyo ka hortagga in uu sii faafo.

Leave a Reply