|

Culimo Soomaaliyeed oo ka horyimi damaca dhulka Itoobiya

Muqdisho September 08, 2024(QJ) -Qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeestay damaca dhuleed ee Itoobiya ay ka leedahay dhulka Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay taageersan yihiin xiriirka Masar iyo Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa culimadu si cad uga digeen xadgudubka ay Itoobiya ku hayso dhulka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in aan la aqbali karin loona baahan yahay in laga hortago.

Culumaa’udiinka ayaa si diiran u soo dhaweeyay xiriirka Masar iyo Soomaaliya, iyagoo muujiyay in Masar ay tahay dal Muslim ah oo xiriir iskaashi oo soo jireen ah la leh Soomaaliya.

Waxay kaloo ku nuuxnuuxsadeen inay waajib diini ah tahay in laga hortago xadgudubyada Itoobiya.

Culimadu waxay ku baaqeen in la difaaco madax-banaanida iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Waxay shacabka ku booriyeen in loo midoobo difaaca diinta iyo dalka, lagana fogaado wax kasta oo khalkhal gelin kara midnimada dadka. Waxay ka digeen shakhsiyaadka kicinaya bulshada iyo kala qaybinta.  Waxay ugu baaqeen dawladda inay abuurto jawi wada-hadal lala yeesho dadka wax tabanaya si loo xoojiyo midnimada.  Waxay ku booriyeen Itoobiya inay ixtiraamto deris-wanaagga iyo nabad kuwada noolaanshaha shucuubta labada dal.

Leave a Reply