|

Abiy Axmed oo hirgelinaya Heshiiskii Badda

Beijing September 07, 2024(QJ)-Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la dhaqan gelin doono heshiiskii ay wada gaareen Maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobiya, isla markaana uu socdo.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa arrintan ka sheegay mar uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Waxay ka wada hadleen heshiiskii 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo Abiy uu xaqiijiyay in heshiiskaasi uu socdo, dhowaanna la dhameystiri doono.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday inuu magaalada Beijing kula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Heshiiska labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya waxa uu dhigayaa in Itoobiya ay ka kirayso 20 KM oo ka mid ah xeebaha Somaliland si ay saldhig ciidan uga samaysato. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay noqonaysaa dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada gooni-isu-taagga maamulka Somaliland.

Leave a Reply