|

Ciidamada Soomaaliya oo 19 Al Shabaab ka tirsanaa ku laayay duqeymo

Muqdisho September 04, 2024(QJ) War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in in ka badan 19 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalo ay iska kaashadeen ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka koowaad oo socday muddo 24-saac ah ayaa ka dhacay deegaanka Geed-ma’arke oo hoostaga degmada Ruunirgood, halkaasi oo ay ku diyaarinayeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa lagu dilay 14 ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka labaad ayaa lagu beegsaday ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ceel-Heelle, halkaasi oo ay lacago baad ah uga qaadan jireen dadka safarka ah. Shan ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerarka.

Sidoo kale, Howlgalka Ceel-Heelle ayaa lagu burburiyay Gaadiid dagaal oo ay Maleeshiyada ka soo qaateen goobtii ugu horeysay ee howlgallada ka dhacay, waxaana ka mid ah Gaari Gaashaaman oo loo yaqaanno “Cabdi-Bile” iyo Booyad Biyo ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya shacabka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dowladdu ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

Leave a Reply