|

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Josep Borrell oo Xaaladaha Soomaaliya ka wadahadlay

Muqdisho September 04, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell, ahna madaxa siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga, sida ay baahisay Villa Somalia.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ayuu Madaxweyne Xasan ku sheegay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub uu uga mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya amniga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, isagoo caddeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo nabadda.

Hadal kooban oo uu soo dhigay Baraha Bulshada ayuu Josep Borrell ku xaqiijiyay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh u xaqiijiyay Taageeradda joogtada ah ee Midowga Yurub inta lagu guda jiro Isbedelka Ammaanka ee Somalia iyo Arrimaha la xiriira.

Borrell iyo Madaxweyne Xasan ayaa isla gartay baahida loo qabo in laga fogaado xiisadaha gobolka iyadoo lala dagaallamayo argagixisada lana ilaalinayo midnimada, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirka Shiinaha iyo Afrika.

Leave a Reply