|

Safaarada Shiinaha oo tababar iyo Qalabeyn isu raacisay Booliska Soomaaliya

Muqdisho July 30, 2024(QJ) -Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin oo uu wehliyo Taliyaha Hoggaanka Danbi baarista Gaashaanle Sare Muxudiin Axmed Cismaan ayaa maanta qalab baaris ah ka guddoomay Safaaradda Shiinaha ee dalka Shiinaha.

Isla munaasabada ayaa waxaa tababar loogu soo xiray saraakiishii ka faa’ideysay qalabkan, kuwaasi oo in muddo ah u socday tababar ku aadan sidii ay si hufan uga faa’ideysan lahaayeen agabka baarista dambiyada ee qiimaha badan.

Tababarka ayaa waxaa fududeeyay macalimiin ka socda Shiinaha, kuwaas oo khibrad dheer u leh baaritaanka dambiyada.

Safaaradda ayaa qalabkan casriga ah ee baarista ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana ay tababar u siisay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska qaabka loo isticmaalo.

Waaxda dambi baarista ayaa waday qorshe lagu horumarinayo baarayaasha xirfadleyda ah ee ka shaqeeya dambiyada waaweyn ee dalka.

Comments are closed