|

Sheekh Shariif oo dhaliilay tayada ciidamada Soomaaliya

Muqdisho July 27, 2024(QJ)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay qaabka loo maamulayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dib u dhac ku yimid howlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay inaysan jirin hal guuto oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo awood u leh inay dagaalamaan, taasina ay muujineyso inay jiraan arrimo la taaban karo oo ku saabsan istaraatiijiyadda lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Sheekh Shariif, ayaa xusay inaysan ka aamusi karin fashilka ciidamada ku yimid iyo khaladaadka ay arkayaan, isagoo carabka ku adkeeyay in ka siyaasiyiin ahaan ay ka soo horjeedaan qaabka loola dagaalamo Al-Shabaab.

Haddalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aadaya xili howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay hakad galeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana Al-Shabaab ay dib ula wareegeen qaar kamid ah deegaanadii ay horey uga qabsadeen ciidamada xoogga dalka.

Comments are closed