|

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay ciidamo loo diro Soomaaliya

Ankara July 27, 2024(QJ)-Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin dhawaan uu gudbiyay madaxweyne Erdogan oo ku saabsan in ciidamada badda Turkiga iyo maraakiib dagaal la geeyo xeebaha Soomaaliya.

Muddada sharciga ah ee uu Baarlamaanku ansixiyay waa laba sano, ka dib waxay u baahan doonaan in dib loo cusboonaysiiyo.

Tallaabadan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska iskaashiga ah oo ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii February, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada badda.

Dhowaan ayay ahayd markii Somaliland ay diiday in ciidamo Turki ah la geeyo xeebaha Geeska Afrika, iyagoo uga digay inay u soo dhawaadaan biyaha Somaliland.

Tan iyo sanadkii 2010-kii, Turkiga waxa uu saameyn weyn ku lahaa Soomaaliya, isagoo maamula garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekedda, waxa uu sidoo kale ku leeyahay Soomaaliya saldhig ciidan iyo safaarad weyn, taasoo ka dhigtay saaxiibka ugu dhow ee Soomaaliya.

Comments are closed