|

Soomaaliya oo laga mamnuucay Maandooriyaha la geeyo

Muqdisho July 26, 2024(QJ) -Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in dalka la soo geliyo dawooyinka loo isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya.

Wasiirka ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed ee ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha in ay joojiyaan dhaq dhaqaaqooda, isagoo ku goodiyay in dowladdu ay tallaabo adag ka qaadi doonto dadka ku howlan soo gelinta maandooriyaha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay ka go’an tahay wax ka qabashada dawooyinka aan tayada lahayn ee ay keenaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, hadalka wasiir ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya lagu tiriyo inay ka mid tahay dalalka ugu liita dhanka caafimaadka, iyadoo aan si rasmi ah loo xakameyn dawooyinka dalka la keeno, kuwaasoo ay keenaan ganacsato.

Comments are closed