|

RW Xamza oo qurbejoogta shir uga furay Dooxa

Doha July 22, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay shirka qurba-joogta Soomaaliyeed, kaasoo maanta ka furmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo khudbad dheer ka jeediyay furitaankii shirka ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in la abuuro is-aaminaad iyo is-dhexgalka bulshooyinka martida loo yahay iyadoo la ilaalinayo dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Wuxuu aad ugu dheeraaday doorka muuqda ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka, isagoo ku booriyay boqollaalkii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb galay shirka in ay ka dhabeeyaan himilooyinka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin nabad, horumar iyo barwaaqo.

Comments are closed