|

Xidhibaan Abiib: Muuse ha Dhaco

Boorama July 20, 2024 (SD) -Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Boorama, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli uu eedaymo culus kala kulmayo xeer ilaalinta Somaliland oo ku eedeeyay khiyaamo qaran.

Soo dhawaynta Xildhibaanka oo ahayd mid aad u balaadhan, ayaa waxa ka soo qayb galay shacabka magaalada, masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, iyo dadweyne tiro badan oo si diiran u soo dhaweeyay xildhibaanka.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Maxamed Abiib ku eedaysay inuu ku lug leeyahay falal ka dhan ah qarannimada iyo midnimada Somaliland iyo inuu faafiyay dacaayado ka dhan ah ciidamada Somaliland. Eedeymahaas waxaa si toos ah u beeniyay Abiib oo ku andacoonaya in ay dano siyaasadeed ka leeyihiin oo ay uga dan leeyihiin in sumcadiisa lagu xumeeyo laguna wiiqo taageerada uu bulshada dhexdeeda ka haysto. Waxa uu balan qaaday inuu sii wadi doono shaqadiisa xildhibaannimo iyo u doodista xuquuqda shacabka Somaliland.

Shacabka ku dhaqan magaalada Boorama iyo taageerayaasha Maxamed Abiib ayaa taageero buuxda u muujiyey. Waxa ay ka fogeeyeen eedeyntaasi oo ay ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna ku baaqeen in la ilaaliyo xuquuqda iyo sharafta Xildhibaanka.

Maxamed Abiib ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Boorama u qorshaysan inuu la kulmo odayaasha, dhalinyarada iyo haweenka magaalada.

Comments are closed