|

ATMIS oo baareysa dil ciidamadoodu geysteen

Muqdisho July 20, 2024 (QJ) -Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday in uu billaabay baaritaan ku saabsan dhacdo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacday degmada Buula Mareer July 17, 2024.

ATMIS waxay qiratay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ciidamadoodu ay si lama filaan ah u laayeen dad rayid ah, waxayna ballan qaadeen in ay sameyn doonaan baaritaan dhab ah, natiijada ka soo baxdana la soo saari doono marka la dhameeyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska marxuumka. Ciidamada ATMIS waxaa loo tababaray inay si adag u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, halbeegyada Xuquuqul Insaanka, iyo habraacyada hawlgalka ee lagu maamulayo hawlgallada ciidamada, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta,” ayay ATMIS ku tiri war-saxaafadeed.

Baaritaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo laga jawaabayo wararka sheegaya in ciidamada Uganda ee ka tirsan ATMIS ay ku lug lahaayeen dilka saddex qof oo rayid ah— beeraley degganaa deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Dhacdadan, ayaa waxay dibad-baxyo ka dhalisay labada Buulo Mareer iyo Muqdisho, iyadoo dibad-baxayaashu ay ku baaqayeen in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay. Meydadka dadka dhintay ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inaan wali la aasin.

ATMIS ayaa shacabka u xaqiijisay in baaritaanku uu noqon doono mid dhameystiran oo dhex-dhexaad ah, lana qaadi doono tillaabooyinka ku habboon natiijada ka soo baxda. Dawlada Soomaaliya ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Comments are closed