|

Erdogan oo dalbaday in Ciidamada Turkiga Soomaaliya la geeyo

Ankara July 20, 2024(QJ) -Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka Turkiga u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in la ansixiyo in ciidamada Turkiga la geeyo biyaha Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii February, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada badda ee Soomaaliya.
Mooshinka la horgeeyay Baarlamaanka Turkiga ayaa dalbanaya in la siiyo muddo labo sano ah, iyadoo ay suuragal tahay in dib loo cusboonaysiiyo, si Madaxweyne Erdogaan uu u ogolaado in Ciidamada Badda Turkiga loo diro Somaliya.
Sida laga soo xigtay Middle East Eye, tallaabadani waxay jawaab u tahay codsi rasmi ah oo uga yimid dowladda Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa loo arkaa mid jawaab u ah heshiis ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen bishii Janaayo, kaasoo Addis Ababa lagu siiyay xuquuq qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.
“Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Soomaalida, waxayna sare u qaadi doonaan ammaanka badda Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Horaantii bishan ayaa Turkiga waxa uu marti galiyay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, si ay u dhex dhexaadiyaan, xalna uga gaaraan xiisada u dhaxeysa labada dal.

Comments are closed