|

Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo heshiis gaaray

Jigjiga July 19, 2024(QJ)-Madaxweynayaasha dowlad deegaanka Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in heshiis rasmi ah laga gaaray colaaddii muddada dheer u dhaxeysay labada gobol.

Wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay u socday madaxda maamul goboleedyada ayaa lasoo gebagebeeyey gelinkii dambe ee shalay, iyadoo lagu kala saxiixday heshiis rasmi ah oo lagu joojinayo colaadaasi oo dhiig badan ku daatay muddooyinkii dambe.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Madaxweynaha Ismaamulka Canfarta Awal Arba oo heshiiskaasi ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in wax laga qabto sababaha keenay colaada labadaasi gobol, waxaana ay tilmaameen in ay muhiim tahay in dib loo soo celiyo guryahoodii dadkii ka barakacay deegaanka.

Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska waxaa ka mid ah in la kala qaado ciidamada Soomaalida iyo kuwa Canfarta, in afti loo qaado dadka deggan magaalooyinka lagu muransan yahay sida uu qabo dastuurka Itoobiya, iyo in mas’uuliyadda amniga saddexda magaalo ee hore loogu dagaalamay lagu wareejiyo ciidamada.

Heshiiskii rasmiga ahaa ee dhexmaray madaxda Soomaalida iyo Canfarta ayaa muhiimad gaar ah u leh xasiloonida iyo horumarka deegaanka, iyadoo la rajeynayo in la xaliyo khilaafaadyadii hore, lana abuuro fursado cusub iyo iskaashi.

Comments are closed