|

Dawlada oo cunaqabateyn dhaqaale saartay madax ka tirsan AS

Muqdisho July 18, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Amniga Qaranka.

Qodobada looga hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dhacdadii ugu dambeysay ee hubka sharci darrada ah lagu soo geliyay deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixino looga dhageystay hay’adaha ammaanka iyo la taliyaha amniga Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in si adag loo dhaqan geliyo sharciga Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in guul laga gaaro qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay siyaasadda dowladda ee xakameynta hubka.

Comments are closed