|

Ciidamada Dawlada iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Gedo

Luuq July 18, 2024 (QJ) -Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Booliska ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay inta u dhaxeysa Shaataloow iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Intii uu socday howlgalka ayaa saraakiisha ciidamada waxa ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay Gaashaanle Sare C/rashiid Maxamed Cismaan, Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Guud Aadan Siyaad Cabdi, Taliyaha Ururka 10-aad ee qeybta 43-aad ee Gobolka Gedo, Taliyaha Ciidanka Booliska G/sare Xuseen Cali Xaashi Giif. ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay inay horumarro la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, iyagoo la wareegay goobo ay horay ugu sugnaayeen.

Comments are closed