|

Turkiga oo shidaal ka baaraya Xeebaha Soomaaliya

Ankara July 18, 2024(QJ) -Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alp Arslan Bayraktar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in dalkiisu uu doonayo inuu sahamin shidaal iyo gaas ah ka sameeyo saddex goobood oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya.

Warkan ayaa soo baxay mar uu shir jaraa’id ku qabtay Istanbul ka dib markii uu ka qeyb galay xaflad ay Ankara iyo Muqdisho ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan baarista iyo soo saarista shidaalka. Waxa uu la kulmay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka Turkiga ayaa ku micneeyay in Turkiga uu ka mid noqday dalalka ugu hormarsan sahaminta badda, taasoo suurtagelisay in badda madow laga helo keyd gaas dabiici ah oo badan, taasoo ay ugu wacan tahay maraakiibtan baarista.

Waxa uu tilmaamay in Turkiga uusan kaliya sahamin dhanka badda ah ka sameynin gudaha baddiisa balse uu howlo sahamin ah ka wado xeebaha dalal kale oo dhowr ah. Heshiiska Soomaaliya lala galay ayaa marag madoon ah.

Bayraktar waxa uu xusay in markabka cilmi-baarista Turkiga ee “Al-Rais Oruc” lagu wado inuu tago Soomaaliya si uu u bilaabo hawlaha sahaminta dhammaadka Sebtember ee soo socda.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska la gaaray uu qeyb ka qaadanayo xoojinta xiriirka labada dal.

Comments are closed