|

Firdhiye oo la kulmay IGAD

Jabuuti July 08, 2024(QJ)-Madaxa SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxda ugu sareysa urur goboleedka IGAD. Intii uu socday kulanka ayaa hogaamiyuhu waxa uu madaxda IGAD warbixin guud ka siiyay horumarka, nabadda, xasiloonida, iyo dadaalada dowlad dhisidda ee maamulka SSC-Khaatumo.

Madaxda IGAD ayaa kala hadlay sidii loo heli lahaa nabad waarta oo ka dhalata Geeska Afrika oo ku dhisan is ixtiraam iyo deris wanaag, iyo doorka IGAD ay ka qaadan karto xalinta arrimaha gobolka.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa ku nuux-nuux saday in shacabka iyo maamulkaba ay diyaar u yihiin ka shaqeynta horumarinta adeegyada bulshada, ka qeyb qaadashada dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyo nabad kuwada noolaanshaha gobollada deriska la ah.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo la taliyayaasha sare ee maamulka SSC-Khaatumo.

Casuumadaan Jabuuti ay u fidisay Hogaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa kusoo aadeysa xili ay sii kordhayaan xiisada u dhaxeysa maamulka Somaliland iyo Jabuuti, kadib heshiiskii dhanka badda ee Muuse Biixi iyo maamulka Abiy Axmed.

Comments are closed