|

Booliiska oo dad ka qixiyay xaafado ay deganaayeen

Muqdisho July 08, 2024(QJ) -Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka howlgal ay ka sameeyeen Xaafadda Dabdamiska ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku burburiyeen Guryo ku yaalla Xaafaddaas oo ay dadka deegaanka horay u diideen in ay ka guuraan, inkastoo dhowr jeer oo hore lagu soo wargeliyay.

Booliska ayaa ku amray dadka deegaanka inay ka guuraan guryahooda oo ay ka qaataan waxyaabaha muhiimka ah ee ay wataan. Awaamiirtan ayaa boolisku waxay keeneen cagaf-cagafyo lagu duminayay guryaha, iyagoo dhulka la simay.

Shir jaraa’id oo uu qabtay wax yar ka dib, afhayeenka ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu guuleystay laga soo saaray dadkii ku harsanaa xaafadda Dabdamiska, isagoo xusay in dadkii ku noolaa ay horay u banneeyeen.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in Ciidanka Boolisku ay halkaasi u joogeen sidii ay dadka kale ee halkaasi ku haray uga kaalmayn lahaayeen daad gureynta, iyaga oo siinaya gaadiid ay alaabahooda ku daabulaan.

Comments are closed