|

Qarax lala beegsaday Ciidamada ATMIS

-Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (ATMIS) ayaa sheegay in labo askari ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo marayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baraawe.

Qaraxan ayaa dhacay shalay, wuxuuna si gaar ah u saameeyay ciidamada ATMIS-ka, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo wareedyo ka tirsan ciidamada Uganda ayaa xaqiijisay in khasaaraha uu ku jiro sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda, iyadoo lix kalena lagu dhaawacay, laguna daweynayo Muqdisho.

Gaashaanle Dhexe Patrick Opio Awany ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay agagaarka deegaanka Ceelwareegow oo qiyaastii 70 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidamada UPDF ee dalka Uganda Ibraahim Kasule Sekitto.

Weerarkan ayaa loo aaneynayaa in ay ka danbeeyeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamadii la beegsaday ay kasoo guureen gobolka Shabeellaha Hoose una soo guureen magaalada Muqdisho.

Comments are closed