|

Beelo ku dagaalamaya Luuq iyo Ciidamada dawlada oo la kala saftay

Luuq July 06, 2024(QJ) -Xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa saaka dib u soo cusboonaatay, kadib dagaal gacan ka hadal ah oo shalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmadaasi.

Dagaalka saaka ka dhacay Luuq ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland, kuwaasi oo la sheegay inay la kala safteen maleeshiyo beeleedyadii dagaalamay.

Inta badan dadkii ku dhaqnaa degmada Luuq ayaa isaga barakacaya degmada, iyadoo rasaas xooggan laga maqlayo gudaha magaalada, iyadoo labada maleeshiyo oo helay gurmadyo kala duwan ay rasaas is dhaafsanayaan.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, C/llaahi Cabdi Jaamac Shimbir, ayaa sheegay in colaadda ka taagan Luuq ay salka ku hayso arrimo qabiil, isagoo xusay in dagaalladii shalay iyo maanta socday ay ka dhasheen khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyuhu waxa uu xusay in ciidamada qaranku ay ku soo biireen shaqaaqadaasi, taas oo muujinaysa in ay haatan la kala safteen labadii maleeshiyo beeleed ee shaqaaqadu shalay dhex martay.

Comments are closed