|

Madaxweyne Xasan oo u jawaabay Abiy Axmed

Muqdisho July 06, 2024(QJ) -Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa ku celceliyay in Soomaaliya aysan ka soo horjeedin in wada hadal lagu dhameeyo xiisada badda oo lala galo Itoobiya, balse wuxuu eedeyn kulul u jeediyay dowladda Itoobiya.
Sidoo kale, wuxuu ka jawaabay hadal ka soo yeeray Abiy Axmed Cali, oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay ku gacan seyrtay codsigii badda ee ay Itoobiya u gudbisay.
Madaxweynaha, ayaa khudbadiisa ku sheegay in Itoobiya ay burburisay xiriirkii nabadeed ee labada dal. Wuxuu kaloo soo hadal qaaday dadaallada dhex dhexaadinta Turkiga, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay codsatay kulankaas. Waxa uu cadeeyay in Ethiopia ay wali mowqifkeeda taagan tahay, halka Somalia ay diyaar u tahay wada hadal.
Xasan Sheekh Maxamuud, waxa kale oo uu Somaliland u soo jeediyay inay Kunonoto heshiiska badda ee ay la gashay Itoobiya.

Comments are closed