|

Madaxweyne Xasan oo Turkiga ku amaanay taageerada

Muqdisho July 05, 2024(QJ) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay dowladda Turkiga kaalmada ay siiso Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin gargaar aan ujeedo gaar ah laga lahayn.

Madaxweyne Maxamuud ayaa xusay in Turkiga uu yahay dalka kaliya ee taageero muuqda u fidiyay Soomaaliya. Waxa uu ku nuux-nuux saday in taageeradaasi aysan lahayn ujeeoyin qarsoon oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo midnimada dalka.

‘Kaalmo badan xargo badan ayaa gadaal uga xiran oo mar walba dhinac loo jiidayo, laakiin midda Turkiga hallaa la jirta, Sharaf iyo karaamo ayaa la jirta. Xargo gaar ah iyo dano gaar ah oo diblomaasiyadeenna iyo dowladnimadeenna lagu kala dhantaalayo ama lagu hagayo kuma jirto,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in hubkii dhawaan lasoo bandhigay ee lagu xusayay 1-da Luulyo uu qeyb ka ahaa taageerada Turkiga.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu xariga kaga jarayay dufcadii 6-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo tababar loogu soo xiray dugsiga tababarka ciidamada ee Turksom.

Comments are closed