|

Shabaabka oo weeraray sadex xero ciidan

Baydhabo July 05, 2024(QJ) -Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka aroortii ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buureey ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen saddex saldhig oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud Buureey.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac, iyadoo dagaalku uu si xoogan uga socdo gudaha deegaanka.

Saraakiisha ammaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay iska caabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen. Hase ahaatee Al-Shabaab ayaa warkooda ku sheegtay in ay la wareegeen saldhigyada iyo guud ahaan deegaanka Goofgaduud Buureey.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah ay ku wajahan yihiin deegaanka Goofgaduud Buureey oo ka yimid dhanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, si ay taageero iyo difaac uga geystaan.

Comments are closed