|

Mudug oo dagaal beeleedyadii dib uga qarxeen

Galkacayo June 30, 2024(QJ)-Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaallo maanta dib uga soo cusboonaaday gobolka Mudug.

Colaadan oo ay ku lug leeyihiin labo maleeshiyo beeleed oo wada dega deegaankaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay salka ku hayso dilal horay uga dhacay deegaano hoostaga Afbarwaaqo ee Mudug.

Dagaalkan u dambeeyay ayaa daba socda rabshado maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolkaas, kuwaasoo horay u galaaftay nolosha ku dhawaad ​​70-qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamullada Galmudug iyo Puntland oo ay ka soo kala jeedaan beelaha dagaallamaya ayaa wada dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in lagu kala dhex dhigo maleeshiyaadkaasi.

Guddi ka kooban wasiiro ka tirsan labada maamul ayaa loo saaray wax ka qabashada colaadaasi, waxayna soo saareen go’aano horudhac ah oo ay ku taageerayaan dadaallada nabadeed ee ay ka wadaan galbeedka Mudug.

Comments are closed