|

Muuse Biixi oo u digay Jabuuti

Hargeysa -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay War ka sooyeeray Jabhad lagu ururinayo dalka Jabuuti, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid lala yaabo.

Waxa uu xusay in isbahaysiga la sheegay inuu ujeedkiisu yahay xoraynta degaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan Awdal.

Biixi ayaa ku nuuxnuuxsaday in falalka noocaan ah ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isla markaana ay khalkhal gelin karaan xasiloonida gobolka. Jabuuti ayuu sheegay in aan laga fileyn arinkan.

Waxa kale oo uu ka digay in Somaliland ay ka digtoon tahay oo ay diyaar u tahay inay iska difaacdo khatar kasta oo dibadda ka iman karta oo ay ku jiraan shakhsiyaadka taageeraya ujeedooyinka cadawtinimada.

Comments are closed