|

Dawlada oo beenisay wadahadal in ay la leedahay Al Shabaab

-Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay wadahadal kula jirto Al-shabaab, sida uu sheegay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Maxamuud ayaa boggiisa X (Twitter) ku shaaciyay in aysan jirin wax wada hadal ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Xuseen Macalin waxa uu sheegay in wada xaajood kasta oo macquul ah looga baahan yahay Al-Shabaab in ay buuxiyaan shuruudo uu Madaxweynaha ku xiray oo ay ka mid yihiin in xiriirka loo jaro Ururada Argagaxisada caalamiga ah, in la ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya iyo in si nabad ah ay ku gaaraan qorshahooda siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Norway ayaa xusay in maamulkiisa uu u furan yahay wada hadal uu la galo Al-shabaab, haddii ay doonayaan inay buuxiyaan shuruudaha lagu xiray.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in cid kasta oo awood u leh in ay fududeeyaan wada xaajoodka Al-Shabaab ay soo dhaweynayaan.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrimahan. Kooxdan ayaa horay u sheegtay inaysan wax wadahadal ah la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalkan ayaa Jawaab u ah mid ka soo yeeray xildhibaan C/raxmaan Cabdishakuur oo ka digay wadahadal ay ka dhexwadaan Norway iyo Qadar kooxda Al Shabaab.

Comments are closed