|

Sucuudiga oo Soomaaliya ka bixiyay amahahii OPEC

Vienna June 26, 2024(QJ)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo maalmahan ku sugnaa magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Dr. Mohammed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga oo Soomaaliya ku taageeray 36 milyan oo dollar oo dayn buundada ah si ay uga baxdo deynta ay ku leedahay Sanduuqa OPEC.

Heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ayaa waxaa si weyn u fududeeyay dowladda Sacuudiga oo kaalin mug leh ka qaadatay wada xaajoodka iyo xalinta deymaha muddada dheer ay Soomaaliya ku lahayd Sanduuqa OPEC.

Heshiiskan maanta lagu gaaray magaalada Vienna ayaa ah mid Soomaaliya u horseedaya horumar cusub, kaasoo u ogolaanaya dalka inuu mustaqbalka ka qeyb galo deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee ay bixiso Sanduuqa OPEC, si la mid ah dalalka kale ee soo koraya ee Afrika.

Comments are closed