|

Maalinta Xoriyada oo laga xusany Muqdisho iyo Hargeysa

Muqdisho/Hargeysa June 26, 2024(QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka June oo ku beegan sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana laga taago calankeenna buluugga ah ee ka dul-tagaya dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

“Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda 26-ka June oo ku beegan sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in Soomaalidii u soo halgantay xorriyadda, meel kasta oo ay joogto, ay mudan yihiin in la arko himiladii ay hiigsanayeen xilligii halgankii xorriyadda, oo ay ka mid ahaayeen in la helo shacab Soomaaliyeed oo midaysan, walaalo ah, oo hal calan iyo hal dawlad ah hoos taga.

Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga ee somaliland ayaa isna hanbalyo u diray reer Somaliland, waxaanu u rajeeyay in sanandka sandkiis ay ku gaaraan barwaaqo iyo nabad.

Comments are closed