|

Al Shabaab dhexdooda dagaalamay iyo sababta

Baydhabo June 25, 2024(QJ)-Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Ufurow ee gobolkaasi.

Inta uu socday iska horimaadka maanta dhexmaray xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in labo xubnood ay ku dhinteen halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, sida ay xogta ku heshay dowladda Federaalka.

Sidoo kale, xogta laga helayo dowladda Federaalka ayaa sheegeysa in khilaafka gudaha ee Al-Shabaab uu ka dhashay kadib markii la isku afgaran waayey dhaqaale ay kooxdu ka qaaddo dadka shacabka ah ee ay ugu yeeraan Sakada.

Ugu dambeyntiina, ma jiro xogo ka soo baxday Al-shabaab oo tilmaamaya in meeleeshiiyaadka kooxdu ay maanta dagaal ku dagaalameen deegaanka Ufurow ee gobolka Baay.

Comments are closed