|

Duqeymo ka dhacay Xudur oo Shabaabka lagu beegsaday

Xudur April 23, 2024 (QJ)-Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay kula galeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu hogaaminayay Taliyaha Ururka 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Yuunis Aadan Xasan ayaa xaqiijiyay in duqeymo dhanka cirka ah ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad.

Sareeye Guuto Yuunis Aadan Xasan ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, islamarkaana uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Maleeshiyada.

Lama sheegin tirada rasmiga ah ee Al-shabaab looga dilay howlgalkaas; si kastaba ha ahaatee, howlgalka waxaa ka qeyb qaatay ciidamo dhulka ah oo ay taageerayaan ciidamada qaranka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano “Macaawisley” ayaa howlgalo kala duwan oo lagu bartilmaameedsanayay maleeshiyaadka ka sameeyay deegaano iyo degmooyin kala duwan.

Comments are closed