|

Ciidamo African ah oo dalka imanaya ATMIS ka dib

Muqdisho April 23, 2024(QJ)-La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin, ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay geli doonto howlgalkii saddexaad ee ciidamada Midowga Afrika.
Xuseen Macalin ayaa sheegay in howlgalka ATMIS ka dib uu dalka ka dhici doono howlgal kale oo muddo kooban socon doona kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo cusub oo ugu danbeyn lagu badali doono ciidamada Soomaaliya.
“ATMIS waxa lagu bedeli doonaa ciidamo Afrikaan ah oo yar. Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka gaari doonta dalalka ka howlgalaya ciidamadan, waxaana qorshuhu yahay in la gaarsiiyo ilaa 12,000 oo askari,” ayuu yiri la taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macallin.
Sidoo kale, wuxuu xusay in 10,000 oo ka mid ah ciidamadan ay gudan doonaan howlaha ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada ATMIS-ka kuwaasoo dalka ka bixi doona dhammaadka sannadkan, halka 2,000-ka kalena ay qaban doonaan howlo yar-yar.
Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dhamaadka sanadkan ay gebi ahaanba ciidamada ATMIS dalka laga saarayo, ayaa waxaa isa soo tarayay walaaca ay wadamada Afrika ka muujinayaan go’aankan. Waxa ay tilmaameen in haddii howlgalka ATMIS-ka uu ka baxo Soomaaliya in Al-Shabaab ay la wareegi karto gacan ku heynta dalka.

Comments are closed