|

Soomaaliya oo ka fiirsaneysa hawlaha UNSOM

Muqdisho April 23, 2024 (QJ)-Dowladda Soomaaliya ayaa billowday wadahadallo ay la yeelanayso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) si loo bedelo howlaheeda.

Guddi farsamo oo ay magacawday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNSOM ayaa shalay kulmay. Wada-hadalladan oo hadda maraya heerkii ugu horreeyay ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda ay sii xoogeystaan, iyadoo labada guddi ay u xil-saaran yihiin inay dajiyaan jadwal uu xafiiska UNSOM ku wareejinayo qaar ka mid ah howlaha uu ka qabanayo Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xilalka UNSOM ayaa waxaa qaadi doonta dowladda Soomaaliya, halka qaar kalena ay sii ahaanayaan xafiiska UN-ka ee bedeli doona UNSOM, si la mid ah dalal kale oo badan.

Guddiga farsamada Soomaaliya ayaa isugu jira wakiilo ka kala socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, iyo Amniga Qaranka. Dhinaca UNSOM, wada-hadallada waxaa hoggaaminayay George Conway, oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Arinkan ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya lagu wado in sanadka 2025 ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Comments are closed