|

Ardeyda Khaatumo oo u farrisaneysa Imtixaanka dawlada dhexe

Laascaanood April 22, 2024(QJ) -Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka bilowday gobolada maamulka Khaatumo maamulida imtixaanaadka dugsiyada sare.
Waxaa la filayaa in maalinta berito imtixaanaadka qaranka guud ahaan dalka oo dhan looga fariisto marka laga reebo maamullada Puntland iyo Somaliland, maamulka imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya uu sanadkan ay ka qeybgeli doonaan markii u horeeyay ardayda Maamulka Khaatumo.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuuro Mustaf Mukhtaar ayaa dhawaan sheegtay in Ardayda Maamulka Khaatumo iyo kuwa degaanada laga saaray Al-Shabaab ay ka qeyb galayaan Imtixaanaadka sanadkan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanad walba qaadda Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sare, kaasi oo ay u fariisanayaan tobanaan kun oo arday oo isugu jira kuwa Muqdisho iyo gobolada dalka.

Comments are closed