|

Sweden iyo Soomaaliya o oiska kaashanaya Argagixsada

Muqdisho April 21, 2024(QJ)Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada socda, taageerada Sweden ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sharraxay sida ay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah iyo muhiimadda taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ay u leedahay la dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mudane Joachim Waern ayaa bogaadiyay dadaalka xooggan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen argagixisada oo khatar ku ah caalamka. Waxa uu ballan qaaday in dalkiisa uu sare u qaadi doono taageerada uu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed