|

RW Ku-xigeenka oo safiiro la kulmay

Muqdisho April 20, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay safiirada dalalka Midowga Yurub oo uu kala hadlay arrimaha ammaanka, ciribtirka Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in dowladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay amniga gudaha iyo wajigii labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale dadaallada loogu jiro u adeegidda shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyay kooxdan.

Danjirayaasha ayaa qiray guulaha wax ku oolka ah ee ay dowladdu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta bulshada, waxayna ballan-qaadeen in dowladda Soomaaliya ay ka taageerayaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Safiirada ka qeyb galay kulanka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kala ahaa Safiirka Midowga Yurub Karin Johansson, Safiirka Talyaaniga Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Sebastian Groth, Safiirka Sweden Joachim Waern.

Comments are closed