|

Giriiga oo lagu eedeeyay dilka Tahriibeyaal

Greece April 18, 2024(QJ)-Ciidamada ilaalada xeebaha Giriiga ayaa lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen dhimashada 40 qof oo tahriibayaal ah oo doonayay inay gaaraan Giriiga ugana sii gudbaan wadamo kale oo Yurub ah.
Baaritaano ay sameeyeen saxafiyiinta BBC-da ayaa lagu ogaaday in ciidamada ilaalada xeebaha Giriiga ay si firfircoon uga hortageen tahriibayaasha inay gaaraan xeebaha dalkaasi, taasoo ku qasabtay inay dib ugu laabtaan badda.
Waxaa la sheegay in falkan ay sameeyeen ciidamada Giriiga uu sababay 15 dhacdo oo naxdin leh sanadihii u dambeeyay, kuwaas oo ay ku naf waayeen dad badan oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan kuwa ku qaraqmay badda Mediterranean-ka, saddex sano oo xiriir ah.
Baaritaanada ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqsiyaadka qaar si qasab ah loogu celiyay badda, halka kuwa kalena laga hor istaagay inay ka soo degaan dhulka Giriiga, taasoo keentay inay dib ugu laabtaan biyaha halista ah ee ay ka soo badbaadeen.

Comments are closed