|

Soomaali noqday madaxa ururka Daacish

Bossaso June 16, 2024 (QJ)- Warbaahinta NBC News ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay u aqoonsadeen Cabdulqaadir Muumin, hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, inuu yahay hogaamiyiha ugu sareeya ee ISIS.

Cabdulqaadir Muumin ayaa la rumeysan yahay inuu bedelay Abu al-Hassan Al-Qurashi, kaasoo lagu dilay weerar ka dhacay Suuriya horaantii 2022-kii.

Sida ay qortay NBC News, labo sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay in 31-kii bishii May ee sanadkan ay ciidamada Mareykanka howlgal ka fuliyeen meel qiyaastii 50 mile dhanka Koonfur Galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya, kaasi oo lagu beegsaday hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish Cabdulqaadir Muumin.

Inkastoo la sheegay in Muuminlagu bartilmaansaday weerarka ciidamada Mareykanka, hadana ma cadda in uu ka badbaaday howlgalkaasi iyo in kale, iyadoo saraakiisha Mareykanka aysan xaqiijinin xaaladiisa.

Mareykanka iyo Soomaaliya midkoodna si rasmi ah uma shaacin in Muumin uu dhintay weerarka.

Comments are closed