|

Xuutiyiinta oo markabkale dejiyay

Jabuuti June 16, 2024(QJ)-Markabka M/V Verbena ee laga leeyahay dalka Ukrain ayaa lagu soo waramayaa in uu ku degay xeebaha dalka Jabuuti.

Shaqaalihii saarnaa ayaa laga daad gureeyay kadib markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay markabka ku dhufteen labo gantaal. Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad oo Xuuthiyiintu ay dhibaato weyn u geystaan ​​markab, ka dib weerar kan la mid ah oo lagu qaaday markabka M/V Tutor, kaas oo ka babanaya calamada dalalka Liberia iyo Greece, taasoo qasabtay in sidoo kale shaqaalihii la socday laga daad gureeyo.

Xuuthiyiinta ayaa u muuqda inay kordhiyeen awoodooda weerada, tan iyo bishii November, waxay beegsadeen oo ay gantaalo la beegsadeen laba markab, taasoo ka dhigaysa markabkii saddexaad ee ay gantaalada Xuutiyiinta quusiyaan intii ay ku guda jireen hawlgalkooda.

Comments are closed