|

Masuuliyiinta Soomaaida oo shicib la tukaday salaada Ciida

Muqdisho June 16, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa salaadii Ciidul-Adxa kula tukaday masjid ku yaala magaalada Ankara ee dalka Turkiga Madaxweyne ku xigeenka dalka Turkiga Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah shacabka Muslimiinta.
Madaxweynaha oo hadlay ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay maalmaha barakeysan ee Ciidul Adxaa, wuxuuna ku booriyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay is cafiyaan, is taageeraan, lagana shaqeeyo danta guud, isla markaana xoogga la saaro sidii amniga loo sugi lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa boqolaal shacab ah kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa salaadda kala qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda kula tukaday garoonka Mire Awaare.
Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiisha ciidamada ammaanka, madax dhaqameed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaadda Ciidda-Adxa.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, ayaa dadweynaha kula tukaday Masjid Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa, isla markaana khudbad u jeediyey dadweynaha. Waxaanu guud ahaan shucuubta islaamka gaar ahaana bulshada reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibada ciida, isaga oo u rajeeyey in uu ilaahay ku ciidayo. dhulkeeda badhaadhe iyo nabad ku soo dabaal.

Comments are closed