|

Dawlada oo sheegtay in wadahadal u socdo Puntland

Baydhabo June 12, 2024(QJ)-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo ka hadlayay shir ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu miro dhalay wada hadaladii u socday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.

Wasiirku ma uusan bixin xog faahfaahsan oo ku saabsan wada xaajoodyada socda oo ay ku jiraan cidda sida tooska ah u khusaysa iyo qodobada gaarka ah ee lagu heshiiyey. Waxa uu xusay oo kaliya in wada-hadallada ay noqdeen kuwo miro dhal ah.

Maamulka Puntland ayaa horay xiriirka ugu jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay ka baaqsadeen shirar dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay yeesheen dowlad goboleedyada kale iyo dowladda Federaalka.

Madaxtooyada Puntland ayaan weli ka hadlin warkan cusub ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan natiijada ka soo baxday waan-waantii labada dhinac, mana jiro wax kulamo ah oo labada dhinac dhexmaray.

Comments are closed