|

UNSOM iyo Wasiirka Difaaca oo kawada hadlay bixitaaka ATMIS

Muqdisho June 12, 2024(QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. si looga wada hadlo horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab (AS), dhimista ciidamada ATMIS (Howlgalka Kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya) iyo dib u habeynta amniga.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka warbixiyey horumarka baaxadda leh ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada UNSOM xilligan xasaasiga ah.

James Swan, Madaxa UNSOM, ayaa ku ammaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalka naf-hurnimada leh ee ay dalkooda uga sifeynayaan Al-Shabaab.

Comments are closed