|

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyada Norway

Oslo June 12, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta ah ayaa ka sheekeeyay guulaha laga gaaray xasilinta dalka, dowlad-dhisidda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda Norway ay Soomaaliya garab istaagtay xilliyadii xasaasiga ahaa, wuxuuna caddeeyay inay kaalin mug leh ka qaadatay dadaallada deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway inay sii laba jibaaraan taageerada ay u hayaan dowladda, isagoo ku dhiirigeliyay inay ka qeyb qaataan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkooda hooyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah uu meel wanaagsan marayo, isagoo shacabka uga mahad celiyay sida ay uga soo horjeesteen qaswadayaasha. Wuxuu xaqiijiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan kooxaha argagixisada loo ciribtiri doono.

Comments are closed