|

Dawlada Soomaaliya oo mideyneysa Tababrada ciidamada

Muqdisho June 11, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mideyneyso dhammaan barnaamijyada kala duwan ee lagu tababarayo ciidamada qalabka sida, kuwaasi oo ay caawinayaan dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay booqasho uu maanta ugu tagay ciidamada Soomaaliya ee ku sugan dugsiga tababarka ee TurkSom. Wuxuu intaas ku daray in manhaj mideysan loo hirgelin doono ciidamada qalabka sida si loo xoojiyo waajibaadkooda shaqo.

Mr. Xamza ayaa sheegay in dowladdu ay dhisi doonto hay’ad ka shaqeysa daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, waxaana uu xusay in sanad walba la asteeyo maalin qaran oo lagu maamuusayo askarata shahiiday.

Ra’iisul Wasaare Hamza ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga sida weyn ee ay u xoojisay taageerada dhanka qalabeynta iyo tayeynta ciidamadeena, gaar ahaan daryeelka caafimaadka ciidamada iyo gargaarka degdega ah.

Comments are closed