Taliyaha ciidanka Soomaaliya iyo Taliyaha hawgalada Mareykanka oo kulmay
Muqdisho April 30, 2024 (QJ) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee howlgalada gaarka ah u qaabilsan, Korneyl David Haskell, isagoo kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
General Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa la hadlay saraakiil sarsare oo Mareykan ah oo ku howlan howlgallada gaarka ah, isagoo ku nuux nuuxsaday ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in howlgalku uu dhawaan bilaaban doono.
Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya u qaabilsan howlgallada gaarka ah ayaa ballan qaaday in ay diyaar u yihiin doorkooda howlgalka.
Booqashada Korneyl David Haskell Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay dhawaan walaac ka muujisay hakinta taageeradii ay siin jirtay Ciidamada Danab ee dowladda Mareykanka.