|

Al Shabaab oo dilay Taliye Liibaan Golcad iyo askar kale

Muqdisho March 23, 2024 (QJ) -Dagaal qaraar ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanada Busleey Dhannaane iyo Jilib Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada ka sameysteen deegaanada dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Liibaan Golcad ayaa ka mid ahaa saraakiisha iyo askartii lagu dilay iska horimaad ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Liibaan Golcad ayaa ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee muddooyinkii dambe ka socday gobolka Shabeellaha Hoose.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa qeybta 22-aad ee ciidanka Gungaar-ka ee loo xilsaaray sugidda ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo soo noqday taliyaha howlgallada qeybtaas.

Howlgalo uu hormuud ka ahaa ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab laga saaray deegaano badan oo ku yaala xeebaha gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay halkaa ku qorsheynayeen weeraro ay la beegsadaan magaalada Muqdisho.

Comments are closed