SSC-KHATUMO oo ka baxday Puntland
Las Anod December 23, 2023 (QJ) -Madax dhaqameedka SSC-Khaatumo ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay inaysan ka qaybgalayn doorashada Puntland ee 2024-ka.
Qoraal rasmi ah oo ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in aysan soo xuli doonin 17-ka Xildhibaan ee laga soo doortay deegaanada SSC ee ku meteli lahaa baarlamaanka Puntland.
Golaha Dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aan ku gaaray in aysan taageeri doonin cid kasta oo ka soo jeeda deegaanadooda in ay isu taagto doorashada Puntland ee 2024-ka oo uu ku jiro jagada Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Waxay ku booriyeen xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC inay iska casilaan xilalka ay hayaan.
Madax dhaqameedka SSC-Khaatumo waxay cadeeyeen inay dhisteen maamul u gaar ah, isla markaana aanay sinaba uga qayb qaadan doonin doorasho ka baxsan deegaanadooda.