Deni oo magacaabay gu ddi dhexdhexaadiya muearnka Baarlamaanka
Garoowe December 12, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddiga u xilsaaran ansixinta iyo dib-u-heshiisiinta khilaafaadka baarlamaanka, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland.
Guddigan oo ka kooban 8 xubnood, ayaa Madaxweyne Deni ku soo xushay aqoontooda iyo khibradooda, marka la eego sida ay u socoto diyaargarowga doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dowlad goboleedka Puntland.
Doorka guddiga waxaa ka mid ah wax ka qabashada iyo xallinta khilaafaadka ka dhex jira baarlamaanka iyo taageerada geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee Puntland.
Magacaabista guddigan ayaa loo arki karaa mid horudhac u ah si loo xaqiijiyo habsami u socodka doorashada iyo in wax laga qabto khilaaf kasta oo keeni kara dib u dhac.